Gudoomiyaha PSG Oo Isku Dayay Inuu Laaluusho Edinson Cavani Si Uu Neymar Ugu Ogolaado Rigoore Tuurka Kooxda & Xaalka Oo Meel Xun Gaaray


Gudoomiyaha kooxda PSG Nasser Al Khelaïfi ayaa isku dayay inuu laaluusho Edinson Cavani si uu ugu ogolaado Neymar inuu rigoore kooxda tuuro.

Sida uu kusoo waramay wariyaha lagu magcaabo Diego Torres, PSG ayaa la kulantay xiddiga Cavani waxaana ay usoo bandhigeen lacag laaluush ah si uu ugu wareejiyo rigoorada Neymar.

Heshiiska lasoo bandhigay ninka hogaaminaya gooldhalinta horyaalka Ligue 1 ee Edinson Cavani ayaa gaaaraya € 1m sida warbixinta lagu sheegay.

Si kastaba ha ahaatee, haddii Neymar masuuliyada rigoore tuurka kooxda la wareego xilli ciyaareedkan, Cavani wuxuu heli doonaa lacag dhan € 1m.

Si kastaba ha ahaatee wariye Torres ayaa sheegay in Cavani uu iska diiday dalabka kaga yimid maamulka kooxda PSG.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS