Zidane Oo Yabooh U Sameeyey Taageerayaasha Kooxdiisa Sidoo Kalena Ka Codsaday Hal Arin Kadib Guushiisa Alaves


Real Madrid ayaa kasoo laabatay guuldarro xanuun badan oo ay todobaadkii hore minankooda kala kulmeen dhigooda Real Batis iyaga oo labo gool iyo gool kaga adkaaday dhigooda Alaves ciyaar ka tirsaneyd horyaalka dalka Spain.

Dani Ceballos ayaa ka badbaadiyey dabin kale oo ay ku dhici lahaayeen wiilasha macalin Zidane oo murugo iyo mashaqa dhax mushaaxayey todobaadyadii ugu dambeeyey ee horyaalka Spain.

“Waa inuu dulqaad jiraa, waayo inooma ah waqti wanaagsan, balse waa inaan ogolaanaa” Macalin Zizou ayaa sidaas u sheegay saxaafada ciyaarta kadib.

“Hubanti waxaan gali doonaa waqti wanaagsan xilliyada ina soo aadan, waan ogahay inay adagtahay maadaama ay Alaves dhibic u baahneyd” ayuu sii raacsaday.

“Waan qanacsanahay hadda waayo waxaan helay wixii aan u baahnaa taasoo aheyd seddex dhibcood”.

“Ma aheyn wax inagu filan labo gool marka la eego fursadaheena balse waxaa muhiim inoo ahaa inaan badino oo aan helno seddex dhibcood, waayo way adagtahay oo dulqaad ayey u baahan tahay inaad kulan ciyaarto seddexdii cishaba” ayuu hadalkiisa kusoo afmeeray Zidane.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS