WARBIXIN: Shanleydii City, Saddexleydii Morata, Rafaadkii Reds, & 15 Waxyaabood Oo Laga Bartay Kulamadii 6aad Ee PL


Manchester City ayaa sii waday awooda ay ku bilaabatay horyaalka Premier League ka dib markii ay 5-0 uga badisay kooxda Crystal Palace, halka Manchester United ay guul 1-0 ah kasoo gaartay kooxda Southampton.

Labada koox ee ka dhisan magaalada Manchester ayaa weli ku dagaalamaya fooqa ugu sareeya horyalaka Premier League xili ciyaareedkaan.

Shanta Koox Ee Ugu Sareysa PL

(Farqiga goolasha)

1. Manchester City – 16 (+19)

2. ManchesterUnited – 16 (+15)

3. Chelsea – 13 (+7)

4. Tottenham Hotspur – 11 (+5)

5. Liverpool – 8 (+1)

Rikooradii La Calamadeeyay

1- Waxaa jiray 31 baas oo uu soo maray goolkii Delph ka dhaliyay kooxda Crystal Palace, ka hor inta uusan dhalin laacibka England goolkiisii ugu horeeyay Premier League tan iyo September 2015.

2- Tan iyo markii uu ku biiray Liverpool sanadka 2013, Simon Mignolet ayaa badbaadiyay 7 ka mid ah 15 rigoore oo lagu tuuray.

3- Jordan Henderson ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay Liverpool tan iyo kulankii Chelsea ee xilli ciyaareedkii hore, waxa uu soo afjaray 372 maalmood oo aan gool dhalin.

4- Shinji Okazaki ayaa dhaliyay afar gool todobadii kulan ee ugu dambeysay Premier League, waa in kabadan goolashii uu dhaliyay 48-kii kulan ee ka horeysay.

5- Philippe Coutinho ayaa 16 gool ka dhaliyey meel ka baxsan sanduuqa ganaaxa, waana in kabadan ciyaartoyda kale.

6- Mo Salah ayaa toddobo gool ku lug yeeshay xili ciyaareedkaan, 6 gool ayuu dhaliyay, 1 wuu caawiyay.

7- Jamie Vardy ayaa dhaliyay shan gool seddexdii kulan ee ugu dambeysay ee uu ka horyimid Liverpool, laba kamid ah waxa uu ku dhaliyay King Power Stadium.

8- Crystal Palace waa kooxdii ugu horeysay taariikhda kubada cagta Ingariiska ee laga badiyo lixda kulan ee ugu horeysa xilli ciyaareedka.

9- Manchester City waa kooxda 1aad ee dhalisay 5 gool iyo kaban sadex kulan oo xiriir ah tan iyo xili ciyaareedkii 58-59.

10- David Silva ayaa caawiyay goolal ka badan ciyaaryahan kale ee Premier League xilli ciyaareedkaan, waana lix gool.

11- Alvaro Morata ayaa ah ciyaaryahankii 17aad ee saddexley kaga dhaliya Chelsea Premier League , kaliya Arsenal ayaa kabadan oo ay kaga dhaliyeen 19 xiddig.

12- Raheem Sterling ayaa dhaliyay shan gool afartii kulan ee ugu dambeysay Premier League, waa in kabadan 31kii kulan ee ka horeeyay goolashii uu dhaliyay.

13- Crystal Palace waa kooxda kaliya ee shanta horyaal ee ugu sareeya Yurub wali aan dhalin wax gool ah xilli ciyaareedkan.

14- Leroy Sane ayaa dhaliyay shan gool lixdii kulan ee ugu dambeysay ee uu usaftay Man City xilli ciyaareedkan.

15- Romelu Lukaku ayaa barbareeyay rikoorkii Louis Saha ee dhalinta goolasha lixda kulan ee ugu horeysay xili ciyaareedka.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS