Seddeleydii Uu Dhaliyay Alvaro Morata Oo U Muuqata Mid Wadno Qabad Ku Ah Kooxda Arsenal


Alvaro Morata ayaa dhaliyey seddexleey kulankii ay xalay (Sabti) kooxdiisa Blues ka afar gool iyo waxba ku xaaqday dhigeeda Stoke City ciyaar ka tirsaneyd todobaadka lixaad ee horyaalka Ingiriiska.

Goolasha Seddexleyda ah oo uu dhaliyey ciyaaryahankaan reer Spain ayaa la micno ah inuu noqonayo ciyaaryahankii 17aad ee kooxda Blues ka Chelsea u dhaliyo goolasha seddexleyda horyaalka Ingiriiska tan iyo markii loo bixiyay magaca Premier League.

Kooxda ka dhisan garoonka Stamford Bridge ayaa u baahan kaliya inay seddex jeer oo seddexleey goolal ah si ay u dhaafto rikoorka in muddo ah u yaalay kooxda Gunners ka taasoo hadda dhalisay 19 jeer seddexleey intii uu jiray magaca Premier League.

Goolasha Seddexda ah ee uu dhaliyay Alvaro Morata ayaa noqonayo middii ugu horeysay oo ay dhaliyeen kooxda Blues ka kadib Diego Costa oo seddex jeer shabaqa soo taabtay kulan ay kooxdiisa ka horjeeday kooxda Swansea City xilli ciyaareedkii 2014/15

Xiddigii hore ee kooxda Real Madrid ayaa u muuqda mid durba cagaha dhulka la helay isaga oo soo taabtay lix jeer shabaqa sidoo kale caawiye ka noqday labo gool tan iyo markii uu xagaagan bilowgiisa soo caga dhigta dalka Ingiriiska.

Taageerayaasha kooxda Chelsea ayaa durba u sameeyey sumad ciyaaryahankaan iyaga oo bilaabay inay u heesaan iyaga oo dhahayo “Alvaro .. Alvaro waxa uu ka yimid qoraxda Spain waxa uuna ka wanaagsan Harry Kane”.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS