Manchester United Ayaa Baadi Goob Ugu Jirta Badalka Ciyaaryahan Ay Kula Soo Wareegeen Lacag Rikoor Ah


Sida lagu xusay Majalada The Sun Manchester United ayaa indha indheeyeyaal u dirtay garabka bidix ee kooxda Celtic Kieran Tierney intii ay socotay ciyaartii kooxda Celtic ay guusha ka gaartay dhigeeda Dundee.

Man United ayaa suuqa ugu jirta qaabkii ay ku heli laheyd daafac ka ciyaari kara garabka bidix iyada oo ay u muuqato inuu soo idlaaday mustaqbal Luke Shaw oo ay Man United kaga soo qaadatay kooxda Southampton 30 Milyan oo Ginni xagaagii 2014 ka.

Dhaawaca faraha badan ee Shaw ayaa ku qasbay inay Man United u dirto dalka Scotland indhe indheeye yaal u kuur gala xaaladda ciyaaryahankaan 20 jirka ah kaasoo bandhig muuqda sameeyey kulankii ay kooxdiisa guuldarrada xanuunka badan kala kulantay dhigooda PSG ciyaar ka tirsaneyd tartanka horyaalada yurub.

Celtic ayay dhibaato ku noqon doontaa inay heysato Kieran Tierney oo kasoo baxay akadeemiyaddooda xilli ay baadi goob ugu jiraan kooxo dhawr ah oo ka dhisan yurub.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS