Jose Mourinho Oo Doonaya Inuu Afduubto 22 Jir Bartilmaameed U Ah Kooxda Manchester City, Xitaa Wuu Daawaday Ciyaartiisa


Manchester United ayaa loo sheegay inay bixiso 75 milyan oo ginni haddii ay doonayaan inay soo xerogeliyaan Sergej Milinkovic-Savic oo ka ciyaara qadka dhexe.

United ayaa kujirta tartanka loogu jiro saxiixa Milinkovic-Savic kaasoo bartilmaameed u ah kooxaha waaweyn ee ka dhisan qaarada Yurub xili ciyaareedkaan.

Tababaraha City Guardiola ayaa hore u doonayay xiddiga reer Serbia, laakiin waxa uu hadda tartanka kala kulmayaa kooxda ku ciyaarta Old Trafford.

Ciyaaryahanka reer Portugal ayaa daawaday ciyaartii isbuucii hore Lazio 3-2 ku garaacday kooxda Genoa, waxaana soo jiitay xirfada sarre ee xiddiga Serbia.

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa diyaar u ah inuu bartilmaameed ka dhigto Milinkovic-Savic xagaaga soo aadan, waxaana uu go’aansaday inuu ka dulqaado tababare Guardiola oo indhaha ku hayay muddo dheer.

Lazio star Serjej Milinkovic-Savic has been targeted by Manchester United

Lazio ayaa diyaar u ah inay lacag caddaan ah ku iibiso 22 jirkaan, inkastoo aysan weli si rasmi ah u shaacin qiimaha ay ku dooneyso.

Waxay diiday dalab 40 milyan oo ginni ah oo ka yimid Juventus xagaagii hore, waxaana haatan laga doonayaa kooxaha ka dhisan Manchester qiimo intaa ka badan.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa Lazio kaga soo biiray kooxda Genk sannadkii 2015, tan iyo waqtigaas wuxuu saftay 81 kulan isagoo dhaliyay 11 gool.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS