Guddoomiye Jawaari oo war ka soo saaray Kiiska Qalbi Dhagax, Sheegayna in…


Gudoomiyaha Golaha Shacabka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ugu baaqay shacabka Somaliyed inay Baarlamaanka u daayaan arrimaha la xiriira Kiiska C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

Dadka Somaliyed ayaa muddooyinkaan dambe waxa ay si dareen leh uga hadlayeen arrimaha la xiriira Kiiska C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, iyaga oo muujinaayay dareenkooda ku aadan arintaasi.

Jawaari ayaa sheegay Baarlamaanka Somaliya inay soo gaartay fariinta shacabka Somaliyed, dadkana laga doonaayo inay ku kalsoonaadaan Golaha Shacabka iyo go’aanada ay gaarayaan.

“Shacabka Somaliyed meel kasta oo ay joogaan mar labaad aan ku celiyo, waan idin maqalnay, Gole ayaan leenahay, kuna kalsoonaada Wakiiladiina, Xasiloonida hala ilaaliyo.” Ayuu yiri Jawaari.

Maalinta Sabtida ee Todobaadka soo socda, ayaa la filayaa in Baarlamaanka Somaliya Guddi uu u xilsaaro in Baaris dhab ah lagu sameeyo kiiska C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax iyo tallaabadii Xukuumadda Somaliya ay gaartay 6-dii Bishan ee aheyd in ONLF loo aqoonsaday Urur argagixiso ah.

Xukuumadda Somaliya ayaa dareemaysa culeys ku aadan dhanka Baarlamaanka Federalka Somaliya, waxaana xubnaha Baarlamaanka ay yihiin kuwa Xukuumadda ku cusleynaya Kiiska C/kariin Qalbi Dhagax.

Dowladda Somaliya oo si bareer ah muwaadinkan Somaliyed ugu dhiibtay Dowladda Itoobiya ayaa isku dayeysa inay dajiso xiisadaha ka dhashay Kiiska Qalbi Dhagax, inkastoo Dowladda ay ku doodayso qaab sharci ah inay ku dhiibtay muwaadinkaan.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Hal Jawaab : Guddoomiye Jawaari oo war ka soo saaray Kiiska Qalbi Dhagax, Sheegayna in…

  1. Eerible Faranfar says:

    Jawaari iyo kuwo badan oo barlamaanka kula jira lagu ma baran hufnaan iyo wadaniyad toona. Mooshin ay laaluush ku helaan bay jecel yihiin.

    Hadda xukuumadda Farmaajo oo si bareer ah Itoobiya u gacan gelisay geesiga waddaniga ah ee Cabdikariim Qalbi Dhagax buu Jawaari leeyahay: shacabka ha ka war sugo barlamaanka iyo xukuumadda Kheyre.

    Xukuumadda Kheyre waaba sheegtay waxa ay tahay: kabaqaadka Xabashida — qabbaanka gumeysiga, jawaasiista Axmeerada. Weliba
    Cabdikarim bay ku sheegeen inu Shabaab yahay. Xeer aan jirin bay
    u cuskadeen dhiibista Cabdikarim Qalbi Dhagax.

    Barlamaankana waa kii cod aqlabiyad ah isku raacay in arrinka lagu dhameeyo xaal mastuue (yacni laaluush).

    Barlamaankaas sidaa uugu ceeboobay umadda Soomaaliyeed hortooda, barlamaankaas ku dhisan musuqmaasuqa iyo laaluush urursiga, barlamaankaas uu madax u yahay ninkan Jawaari la yiraa oo ku soo hanaqaaday xukunkii Afweyne oo uu u ahaa wasiir buuxa,
    sidiisabana u nool inuu laaluush badan urursado, barlamaanka noocaas ah miyaa looga fadhiyaa inuu mawqif sharaf, mawqif caddaalad, mawqif waddan jaceyl, ka istaago arrinka Cabdikariim Qalbi Dhagax.

    In yar oo muwaadiniin ah waa ku jirtaa barlamaanka. Laakiin, tuugada laaluush ku noolka ah ayaa ka tiro badan.

    Haddi uu barlamaankan ahaan lahaa mid hufan oo waddani ah oo sharciga ku adadag, Xukuumadda ayuu kala noqon lahaa kalsoonida.

    Ma uusan yelin.

    Hadda Jawaari iyo saaxiibadiis waxay leeyihii: ar gaal aa god iigu jira ee garweynta ii keena. Dawladdi baan madaxa qori uga haynaa oo aan leenahay oraahdii lagu yiqiinay kuwa jila aflaanta ‘cowboy’-ga ah
    oo ah “O LA BORSA O LA VITA”. Taas oo micnaheedu yahay:
    “AMA II DHIIB BOORSADA DAHABKU KAAGA BUUXO AMA NAFTA AYAAN KU DHAAFSIINAYA”.

    DAWLADDA KHEYRENA DABCAN WAA INAY IS-FURATAA. INKASTOO AY JIRTO LACAG LA’AAN XUN. CID AAMINTA DAWLADDA FARMAAJO OO LACAG KU AAMINTA DUNIDA WAA LAGA LA’YAHAY. DUNIDU WAXAY XUKUUMADDAN U ARAGTAA MID AAN RAAGI DOONIN OO KARFANTEEDA MADAXA KU SIDATA — XUKUUMAD QAMARJIYAAL IYO CIYAALSUUQ AH OO SOO SHAQO TEGEY.

    XILDHIBAANADA MAANTA — IN YAR MOOYEE–WAN CAYILAN AYAA U KARSAMAYA. DHAREERKII BAA KA DA’AYA.

    WAXAYNA KU HAMBAASAYAAN — WAA BEEN AY NAFTOODA UUGU SHEEKEYNAYAAN — IN CABDIKARIIN QALBI DHAGAX ARRINKIISU UU INTAA KU EG YAHAY.

    THAALIKA MABLAGUHUM MINAL CILMI (INTAAS UUN BAY GARTAAN JAWAARI IYO XERTIISU.)

    HAYHAATA.

    WALLEE KII LAALUUSH ARRINKAN KA QAATOW, WAA LAGU ARKAA. LA XISAABTANNA WUU JIRAYAA.

    KHEYRE IYO FARMAAJANA KUMA BADBAADIN KARAYAAN.

    TII AAKHIRANA WAA DAMBEYSAA.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS