Duqa Muqdisho oo Xilka qaadis lama filaan ah ku sameeyay C/Raxiin Iimaan Jimcaale (Akhri)


Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa wareegto maanta xafiiskiisa ka soo baxday waxaa uu xil ka qaadis ku sameeyay Khasnajiga Guud ee dowladda Hoose ee Xamar C/raxiin Iimaan Jimcaale.

Guddoomiye Taabid ayaa xilkan u magacaabay Haweeney lagu magacaabo Xamdi Cali Nuur oo horay u aheyd Madaxa Xubinta Khasnajiga ee dowladda Hoose.

Wareegtada magacaabis ee ka soo baxday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa timid, maalin kaddib markii Guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Maluuka Dheere Xaaji ay shaqo joojin ku sameysay C/kariin Iimaan Jimcaale.

Shabakada Jowhar.com ayaa heshay nuqulada qoraalada ka soo kala baxay Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Xafiiska Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee Maamulka iyo Maaliyadda.

Tan iyo markii Guddoomiye Taabid xafiiska la wareegay, waxaa uu maamulkiisa qaadayay tallaabooyin xil ka qaadis iyo magacaabis taxane noqotay.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS