Wasiirka Caalaada oo ka farxiyay Shacabka: Guryaha lakala haysto, Garsoor fiican & Balantii MD Farmaajo


Wasiirka Cadaalada dowlada Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa mar kale kasoo muuqday barnaamijka la xisaabtanka oo ka baxa Warbaahinta qaranka.

Wasiirka ayaa si dheer uga hadlay wax qabadka xukuumada RW Kheyre gaar ahaan wasaarada cadaalada iyo isbadalo lagu sameeyay garsoorkii dalka xili uu madaxweyne Farmaajo balan qaaday cadaalad dhab ah oo ka hirgasha Soomaaliya.

Wasiirka oo sidoo kale ay su’aalo soo weydiinayeen shacabka ayaa ka hadlay isbadalka garsoorka, guulaha dhanka cadaalada laga gaaray, kiisaska ugu badan ee ay hayaan iyo arimo kale.

HOOS KA DAAWO WAREYSI XASAASI AH

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in arimaha dhulka la isku haysto ay aad ugu badan yihiin gudaha Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho ayna arintaas kasoo saareen amaro culus.

Mar uu ka hadlayay doorka madaxweyne Farmaajo ee wasaaradan maadaama uu aad ula socdo ayuu wasiirku sheegay in madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha ay si isku mid ah udoonayaan in la helo cadaalad rasmi ah.

Xog kale oo cajiib ah ayuu Wasiirka Cadaalada Abuukaate Xasan Xuseen ka bixiyay arimo ay ka mid yihiin sharciga iyo waxa uu ka qabo dhiibista Qalbi-dhagax

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS