XOG: QM oo fariin naxdin leh usoo dirtay xildhibaannada mooshinka ka wada Kheyre


Qoraal uu ku saxiixan yahay Micheal Keating oo ah wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa la gaaarsiiyey xildhibaannada mooshinka ka wada Xukuumadda Kheyre, islamarkaana ay kamid yihiin Mahad Salaad iyo sidoo kale Sakariye.

Xog ay heshay Xoghoose.com ayaa waxay sheegeysaa in warqaddan ay ku qornaayeen canaan iyo sidoo kale digniin xildhibaannada ku socota.

Waxaa loo sheegay inaan loo dulqaadan doonin dhibaateynta ay ku wadaan dowladda, islamarkaana Soomaaliya markaan aanay dib u laaban doonin.

Waxaa loo sheegay sidoo kale in haddii aanay ka laaban waxyaabaha ay wadaan laga qaadayo tallaab ay ka shalaayaan waxay sameynayaan.

Sidoo kale waxyaabaha loogu hanjabay ayaa ah in  marnaba dalka aysan ka bixi doonin, sidoo kale laga saari doono xildhibaannada Federaalka, ayna la kulmi doonaan cunoqabteyn.

Waxaa hadda muuqanyesa in beesha caalamka ay si toos ah usoo farogelinayaan mooshinka ka dhanka ah xukuumadda Kheyre.

Haddii ay sidan socota ama cadaadisyada bataan waxaa macquul ah in xildhibaanno badan ay dib u laabtaan, sababtoo ah qaar kamid ah mooshin wadayaasha waa kuwo haysta baasabooro shisheeye, qaarna ganacsi ayaa dibadaha uga xiran.

Cabdi badan ayaa jirta, lama oga waxa hanjabaadyada isdabajoogga ah ay kabedali doonto go’aannada xildhibaannada.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

2 Jawaabood : XOG: QM oo fariin naxdin leh usoo dirtay xildhibaannada mooshinka ka wada Kheyre

  1. Dhis Shacabka says:

    Waa dal aay gaalo hogaamineyso oo aan laheyn dad damiir leh oo ka dhiidhiya allow muslimiintada xoreey adaa awoodleh aamiin.

  2. Abu Karuumi says:

    Qof yahow hadalkaaga wanaagi, ummadana meel ha ugu dhicin. Hadaad doontid in aad wax hagaajisid kheyrka u dar daaran walaalahaaga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS