XOG: Muuse Suudi oo Muqdisho ka wada Qorshe Halis ku ah Xukuumadda Kheyre


Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ah Xubnaha Aqalka sare ayaa Magaalada Muqdisho ka wada qorshe uu ku dhabar jibinayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Xog gaara oo ay heshay Shabakada Xoghoose.com ayaa sheegeysa in xalay Magaalada Muqdisho Hotel ku yaala uu ka dhacay kulan looga soo horjeedo Xukuumadda Kheyre, iyadoo kulanka uu hormuud ka ahaa Muuse Suudi Yalaxow oo hore kaga mid ahaa Hogaamiye kooxeedyadii dalka soo qaribay.

Siyaasiyiin caan ah oo ka mid ah Beesha Abgaal ayaa madasha ku sugnaa inkastoo shaqsiga Xogtan la wadaagay Warqaad.com uu diiday inaan xusno magacyada shaqsiyaadka kale.

Si caro leh ayuu Muuse Suudi shalay kaga hadlay in Aqalka sare uu ka hadli waayo arinta Qalbi dhagax oo lagu balansanaa balse markii cod loo qaaday la go’aamiyay in dib loo dhigo.

Xubno ka socda Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa shalay abaabulay kacdoon looga soo horjeeday in go’aan laga gaaro Mawqifkii Xukuumadda ka istaagtay arinta Qalbi dhagax, waana ay ku guuleysteen xubnihii aqalka sare ee Kheyre ka socday.

Si kastaba ha ahaatee Siyaasiyiin xalay ku shiray magaalada Muqdisho ayaa isla gartay in Madaxweyne Farmaajo ay u gudbiyaan codsi ku aadan inuu ku qasbo iscasilada Xasan Cali Kheyre, hadii ay dhici weysana in ay la yimaadaan qorshe kale oo dowlada ay taageeradeeda kala laabanayaan.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

2 Jawaabood : XOG: Muuse Suudi oo Muqdisho ka wada Qorshe Halis ku ah Xukuumadda Kheyre

  1. Dhis Shacabka says:

    Abgaaloow dowlada waxay ku nooshahay dhulkiina iyo canshuurtiina xilal ka dowlada xubintii others ka ama gunta xitaa la idinkama siin hadaad dad mowqifleh tihiin dhamaan xubnaha dowlada idinkaaga jira is casila. Shacabkiinana la hadla canshuurtooda ha diidanee meesha haku kala tagaan kuwa goboladooda soo dayacay iyo kuwa shaxaadka u yimidba. Kadibna is maamul gobolka

  2. filow says:

    walaahi inta weli muuse suudi iyo kuwo lamid ah talo laga sugaayo nabad sooma dhawa nacayb muusena iguma jiro lkn waa rayi xunyahey kaligiisna ma ahan weybadanyihiin marka somali nabada siwadajir ah haloobaadigoobo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS