DEG DEG: Saraakiil Shabaab ah oo Dowlada isku soo Dhiibay


Wararka naga soo gaaraya degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay ayaa sheegaya in Labo Sarkaal oo ka tirsanaa Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmadaasi sida ay xaqiijiyeen maamulka.

Gudoomiyaha degmada Qansaxdheere Aadan Cabdi Qooqane ayaa sheegay in maamulka degmada ay ka shaqeeyeen sidii ay iskusoo dhiibi lahaayeen xubnahaasi.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in hadda labadaasi nin ay ku sugan yihiin degmada Qansaxdheere.

Waxaa tilmaamay in ay u gudbin doonaan Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee isku dhiibaya Ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Baay ay kordheen sida uu sheegay Gudoomiyaha.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS