Dagaal culus oo maanta ruxay gobolka Hiiraan (Yuu u Dhaxeeyaa?)


Wararka naga soo gaaraya degaanka Farlibaax ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ku dagaallameen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale dagaalyahanada Al-Shabaab.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degaanka farlibaax ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Degaanka Far Libaax Cawaale Isaaq Jirre ayaa u sheegay Xoghoose.com in dagaalka uu ka dhacay Meel qiyaasta 25-km u jirta magaalada Beledweyne.

Waxaa uu sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Hal qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday dagaalka, waxaana hada degan xaalada Degaanka Far Libaax iyo nawaaxigeeda sida uu sheegay Gudoomiye ku xigeenka Farlibaax.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS