Zinedine Zidane Oo Shalaay Ka Taagan Go,aan Uu Qaatay Intii Uu Furnaa Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartooyda


Zinedine Zidane ayaa u sheegay agaasimaha Real Madrid inuusan xiiseyneynin lasoo saxiixashada weeraryahan kale intii uu furnaa suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.

Zidane ayaa sheegay inuusan u baahneyn weeraryahan kale markii Morata ku biiray kooxda ka dhisan galbeedka London ee Chelsea.

Kooxda ayaa haatan dhibaato dhanka No 9aad ah daremeysa, waxaana Zidane haatan uu heystaa labada weeraryahan ee Karim Benzema iyo Borja Mauraura.

Ciyaaryahankii hore ee Real Madreid ayaa ku bilowday si adag xilli ciyaareedkaan, waxaana kulankii ugu dambeeyay barbaro ay la geleen kooxda Levante.

Zidane ayaa kalsooni badan siiyay Asensio, oo qaab ciyaareed wanaagsna kujira, laakiin maqnanshaha Cristiano Ronaldo ayaa hadda qasbeysa in Real Madrid u baahan tahay weeraryahan dheeraad ah.

Si kasta ha ahatee Zidane ayaa haatan bedeli doona go,aankiisii aha in aysan kooxdiisa u bahneyn weeraryahan dheeraad.

Macalinka Real Madrid Zidane ayaa iska diiday saxiixa Sanchez intii uu furnaa suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS