Wakiilka Mino Raiola Oo Shaki Weyn Galiyay Mustaqbalka Marco Verratti Ee Kooxda Paris Saint-Germain- Yuu Ku Biirayaa?


Wakiilka Mino Raiola ayaan hubin wali mustaqbalka xididga uu wakiilka u yahay ee kooxda Paris Saint-Germain Marco Verratti.

Mino Raiola ayaa diiday inuu bixiyo damaanad qaad ku aadan mustaqbalka Marco Verratti ee kooxda Paris Saint-Germain.

Verratti ayaa ahaa mid aad loola xiriirinayay kooxda Barcelona xagaagan oo dhan, iyadoo hadda wakiilkiisa Raiola uu soo celiyay wararkii xanta ahaa ee suuqa kala iibsiga.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Talyaaniga ayaa hadda kusugan kooxda PSG oo lasoo wareegtay ciyaaartooyda dunida ugu qaalisan ee Neymar iyo Kylian Mbappe.

Si kastaba ha ahaatee, Raiola ayaan hubin mustaqbalka Verratti ee kooxda ka dhisan caasimada Faransiiska.

“Verratti wuxuu joogi doonaa kooxda PSG ugu yaraan xilligan,” Raiola ayaa u sheegay Rai Sports.

“Ma dhihi karo mustaqbalka wuu joogayaa, maxaa yeelay wax walba ayaa isbedeli doona ayuu hadalkiisa ku daray wakiilka caanka ah ee Mino Raiola.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS