Muxuu U baahan Yahay Tiemoue Bakayoko Haddii Uu Doonayo Inuu La Mid Noqdo N’Golo Kante? Antonio Conte Ayaa Ka Jawaabay


Tiemoue Bakayoko wuxuu noqon karaa ciyaaryahan sarre hadii uu raaco tusaale ahaan wadada N’Golo Kante, sida uu aaminsan yahay tababaraha Chelsea Antonio Conte.

Xiddigii hore ee kooxda Monaco Bakayoko ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed aad u fiican markii Chelsea ku guuleysatay 2-1 kulankii Leicester City ee sabtidii.

23 jirkaan, ayaa kulankiisii ​​ugu horeyay u saftay Chelsea markii ay 2-1 ku garaaceen kooxda Tottenham saddex toddobaad ka hor.

Laakiin Conte waxa uu sheegay in ay jiraan waxyaabo badan oo saaci kara saxiixa cusub ee kooxdiisa, isaga oo intaa raaciyay in kaliya uu raaco oo uu wax ka barto Kante.

“Mar walba waa inuu horumariyaa awoodiisa,” Conte ayaa u sheegay ciyaaryahanka reer France, waxa uu wada shaqeyn weyn la leeyahay kooxda oo dhan, laakiin si gaar ah waa inuu ula shaqeeyo Kante.

“Si aad u noqoto ciyaaryahanka ugu fiican Premier League xilli ciyaareedkaan waa inaad xoojisaa awoodaada ayuu yiri macalinka Chelsea oo dhiiro galinayay Tiemoue Bakayoko.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS