Man City Iyo Tottenham Oo Ciyaartooyda Ugu Badan Ku Leh Shaxda Ugu Wanaagsan Isbuucaan Premier League- Yaa ugu Jira kooxdaada?


Pep Guardiola iyo Mauricio Pochettino ayaa si wanaagsan uga soo dhex muuqday kulamadii ay wajaheen kooxaha ka dhisan gobolka Merseyside ee Liverpool iyo Everton toddobaadkaan.

Dhowr ciyaartooy oo qaab ciyaareed sarre muujiyay ay kujira shaxda kooxda ugu wanaagsan isbuucaan horyaalka Premier League.

Shaxdaan waxaa soo doorta Toddobaad walba shabakadda ciyaaraha caalamiga ah eeGoal.com

LUKASZ FABIANSKI ayaa loo doortay goolhayaha kooxda isbuucaan ugu wanaagsan Premier League, Inkastoo guuldarro kala kulantay kooxdiisa Newcastle.

KIERAN TRIPPIER ayaa kusoo baxay Daafaca kooxda isbuuca kadib markii uu qaab ciyaaareed sarre ka muujiyay kulankii Tottenham garaacday Everton.

JOHN STONES Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa bandhig geesinimo leh ka muujiyay kulankii kooxdiisa Manchester City garaacday Liverpool.

CHRISTIAN KABASELE Xiddiga Belgium ayaa ku guuleystay inuu lix Block ka sameeyay kulankii kooxdiisa Watford ciyaartay tododbaadkaan.

BEN DAVIES ayaa afar fursadood ka abuuray kulankii Tottenham garaacday kooxda Everton, waa daafaca ugu badan ee abuuray fursado toddobaadkaan.

KEVIN DE BRUYNE Labo gool ayuu caawiyay kulankii Liverpool garaacday toddobaadkaan kooxda Manchester City, waxay aheyd caawintiisii toddobaad  ee Premier League xaagan.

Sidookale khadka dhaxe waxaa kusoo baxay ciyaartooyda N’golo Kante oo katirsan Chelsea, Christian Ereiksen oo Tottenham iyo Pascal Gross oo u ciyaaara kooxda Brighton.

Weerarka waxaa hogaaminaya labada ciyaartooy ee Gabriel Jesus iyo Harry Kane oo min laba gool dhaliyay.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS