DIB U EEGID: Ciyaartooyda Africa Iyo Saameyntii Ay Ku Lahaayeen Toddobaadkaan Premier League


Sadio Mane ayaa ka mid ahaa xiddigihii ugu fiicnaa Premier League intii lagu jiray seddexdii isbuuc ee ugu horeysay xilli ciyaareedkaan, laakiin waxa uu noqday mid ka mid ah ciyaartooydii ugu xumeyd garoonka markii casaan loo taagay kulankii Manchester City ee toddobaadkaan.

Mane ayaa raali galin ka bixiyay qaladkii uu ku dhaawacay goolhayaha Manchester City Ederson kulankii kooxdiisa looga badiyay 5-0.

Kooxda Pep Guardiola ayaa goolasha ka heshay Sergio Aguero, Gabriel Jesus iyo Leroy Sane, ciyaar casaan uu qaatay daqiiqadii 37aad laacibka Africa ee Sadio Mane.

Eric Maxim Choupo-Moting ayaa si la yaab leh ku noqday ciyaaryahankii ugu fiicnaa qaaradda Afrika ee toddobaadkan kasoo muuqday Premier League.

Ciyaaryahanka cusub ee Stoke City ayaa labo gool dhaliyay kulankii ay koxdiisa 2-2 la gashay kooxda Manchester United.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Cameroon ayaa furay goolasha ka hor inta uusan qeybtii hore ee ciyaarta barbareyn Marcos Rashford.

Victor Moses oo 74 daqiiqo ciyaaray kulankii Chelsea 2-1 kaga badisay Leicester City, Wilfred Ndidi iyo Idrissa Gueye oo kala tirsan Everton iyo Leicester ayaa sidookale kamid ah ciyaartooydii Africa ee sameynta ku lahaa todddobadkan Premier League.

Ugu dambeyntii, Abdoulaye Doucoure ayaa sii waday bilowgiisa fiican ee xilli ciyaareedkaan, wuxuu shabaqa soo taabtay markale kulankii toddobaadkana kooxdiisa garaacday Southampton.

Xiddiga qadka dhexe ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed wanaagsan kulankii kooxdiisa Watford 2-0 kaga badisay garoonka St Mary Stadium kooxda Southampton.

Waxaa jiray ciyaartooy kale oo kale oo toddobadkaan kasoo muqday Premier League, kuwaasoo qqaarada Africa kasoo jeeda, laakiin xiddigahaan aan xusnay ayaa ahaa kuwii ugu saameynta badnaa.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS