Arsene Wenger Oo Iska Diiday Shaqada Macalinimo Ee Manchester United Iyo Sababta Oo La Ogaaday


Gudoomiyihii hore ee United Martin Edwards ayaa shaaca ka qaaday horaantii bishaan in Wenger uu ahaa dooqiisii ​​ugu horeeyay ee bedeli lahaa macalinkii hore ee United Ferguson.

Tababaraha reer Scotland ayaa ciyaaraha ka fariisan lahaa dhamaadkii xilli ciyaareedkii 2001-02, laakiin qorshahaas suurta gal uma noqon.

Ferguson ayaa ugu dambeyntii saxiixay heshiis cusub oo uu ku sii joogayo garoonka Old Trafford, waxaana uu kusii qaatay 11 sano oo dheeri ah ka hor inta uusan ka fariisan shaqada tababarnimo sannadkii 2013kii.

Laakiin Wenger ayaa sheegay hadda inuu iska diiday qorshe uu macalin ugu noqon lahaa waqtigaas kooxda Manchester United.

Macalinka France ayaa u arkayay United koox xifaaltan adag uu kala dhaxeyay kooxdiisa Arsenal, sidaas darted wuxuu hoos u dhigay qorshihii waqtigaas kasoo baxay maamulka Manchester United.

Damacii Manchester United waa in wax laga weydiiyaa Martin Edwards” ayuu Wenger u sheegay suxufiyiinta markii la weydiiyay qaabka uu ahaa heshiiskii loosoo bandigay waqtigaas.

“Aniga ahaan waxaan dareemayay markii aan halkaan imid in Man Utd aheyd koox soo jiidasho leh, laakiin waan ku faraxsanaa halkan ” ayuu yiri Wenger.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS