Sadio Mane oo soo kabasho dhaqsi ah u rajeeyay goolhaye Ederson iyo macalin Klopp oo careesan


Hogaamiyaha kooxda Liverpool Sadio Mane casaan ayaa loo taagay kulankii Liverpool guuldaro 5-0 ay kala kulmeen naadiga Man City.

Mane markii garoonka laga saaray ayay kooxda Liverpool jabtay sidoo kalena shabaqeeda 4-gool dheeraad ah la dhex dhigay.

Mane waxaa casaan lagu siiyay inuu lugtiisa wajiga kaga dhuftay goolhaye Ederson xili uu kubada raadinaayay.

Goolhaye Ederson dhaawac halis ah ayaa soo gaaray waxaana laga qaaday garoonka asigoo miir daboolmay inkastoo qaybihii dambe kulankaan la arkayay goolhaye reer Brazil oo daanka faashad kaga dhagay sidoo kalena socda.

Mane wuxuu yiri “Waxaan u rajeynaa soo kabasho dhaqsi ah Ederson, waan ka xumahay inuu dhaawac soo gaaray markii aan isku dhacnay, waana ka xumahay inuusan kulanka dhameesan dhaawac soo gaaray awgeed, waan u daceynaa inuu si dhaqsi ah kusoo kabto”

Dhinaca kale tababare Klopp ayaa ka careesan casaankii Mane la siiyay wuxuuna ku tilmaamay kooxdiisa qalad weyn laga galay sidoo kalena ciqaabtii Man City u geesatay 80% uu sabab u ahaa garsoore Jon Moss iyo casaankii uu Mane siiyay.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS