Maxay Aheyd Sababtii Jose Mourinho U Diiday Inuu Salaamo Mark Hughes? Macalinka Stoke Ayaa Sharaxay


Tababaraha Stoke City Mark Hughes ayaa shaaca ka qaaday in Jose Mourinho uu diiday inuu salaamo ka dib markii ay barbaro 2-2 ah la galeen Manchester United kulankii ka dhacay garoonka Bet365.

Hughes iyo Mourinho ayaa isku dhacay intii ay socotay ciyaarta, Mourinho ayaana fariistay kurisga farsamada kooxda, iyadoo tababaraha reer Portugal uu carro u muujinayay halyeygii hore ee United Mark Hughes.

Hughes ayaa qiray inuusan hubin sababta Mourinho u xanaaqay, laakiin wuxuu ku faraxsan yahay qaab ciyaareedkii kooxdiisa ka muujisay garoonka.

Waxaana si weyn u amaanayaa kabtanka kooxda Darren Fletcher iyo Eric Maxim Choupo-Moting oo gool muhiim ah dhaliyay ayuu hadalkiisa ku daray Hughes.

Waxaanan u sheegay inuu ka baxo goob aan munaasab u aheyn isaga, laakiin wuxuu ka xanaaqay hadalkeyga, “ayuu u sheegay BBC Sport.

Jose Mourinho ayaa dhorw jeer lagu eedeeyay dagaalka macalimiinta, iyadoo xifaaltanka ugu adag uu kala dhaxeeyo macalinka Arsenal Arsene Wenger.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS