Jose Mourinho oo gacan qaadin Mark Hughes kuna eedeeyay Stoke koox guul aan rabin!


Kooxda Man United bar bar dhicii ugu horeeyay xili cayaareedkan waxay kala kulantay naadiga Stoke City kulan 2-2 lagu kala baxay.

Macalin Mourinho marka ay cayaartan soo idlaatay wuxuu diiday inuu gacan qaado ama uu salaamo tababare Mark Hughes oo Stoke City hogaamiyo.

Mark Hughes ayaa saxaafa u sheegay inuu la yaabay hab dhaqanka Mourinho madaama aysan jirin dagaal ama fal muran dhaliyay oo ka dhex dhacay intii kulankaan uu socday.

Mourinho dhinaca kale Mark Hughes iyo kooxdiisa Stoke City wuxuu ku eedeeyay inaysan guul usoo bixin kaliya ay rabeen Man United taako u dhigaan sidoo kalena ay cayaareen kubad wasaqeesan oo aan lagu raaxeesan karin.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS