Zidane markii Madrid loo dhiibay sedex xidig booskooda lama taabtaan ayuu ahaa balse hada maxaa isbadalay


Macalin Zinedine Zidane mudo 18-bilood ayuu Real Madrid kaga dhigay koox guddaha Spain iyu Yurub awood qabatay sidoo kalena aan loo dhawaan karin.

Zidane markii uu shaqada Madrid la wareegay Cristiano Ronaldo, Gareth Bale iyo Karim Benzema waxay ahaayeen sedex cayaaryahan oo aan booskooda shaki la galin karin sidoo kalena todobaad walbo kooxda u cayaaraan.

Hada sheekadii BBC meesha ayay si dabiici ah kaga baxday gaar ahaan wuxuu culeeska saaran yahay Grathe Bale iyo Karim Benzema oo aan hada kadib macalin Zidane ka heli doonin damaanad qaad ku aadan inay todobaad walbo cayaari karaan.

Soo shaac bixida Marco Asensio iyo hogaaminta Isco lasoo baxay waxay ka dhigan tahay in Benzema iyo Bale todobaad walbo midkood kursiga keydka fariisan doonin hadii labaduba aysan keed wada galin!

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS