Sirta ka dambeyso Wenger inuu dalbado bisha Janaayo suuqa Yurub dib loo furin oo la ogaaday


Macalinka kooxda Arsenal hogaamiyo Arsene Wenger ayaa soo jeediyay kuna cel celiyay in bisha Janaayo aan suuqa Yurub dib loo furin hada kadibna laga dhigo hal xili in cayaartooyda ay kooxaha iibsadaan.

Wenger wuxuu doonayaa bisha Janaayo ee ugu soo horeyso 2018 aan suuqa Yurub dib loo furin sidoo kalena koox walbo sidaan xili cayaareedka ku dhameesato.

Arsene Wenger wuxuu doonayaa Alexis Sanchez bisha Janaayo helin fursad kale uu kooxda ku qaso kuna dalbado in la iska fasaxo.

Sanchez qandaraaska uu Arsenal kula jiro waxaa ka harsan 12-biloob cayaaryahanka wuxuu aad uga carooday in maalintii ugu dambeesay suuqa Yurub Arsenal ka hor istaagtay ku biiritaankiisa Man City.

Wenger wuxuu yiri “Waxaa ila wanaagsan oo aan soo jeedinayaa in suuqa Yurub bisha Janaayo dib loo furin waayo cayaartooyda marka bisha October la guda galab waxay bilaabayaan inay Janaayo ka fikiraan marka sidee kuu caawin karaan!”

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS