Rasmi: Saudi Arabia oo noqdeen dalka 8-aad ee koobka aduun 2018 usoo baxo


Xulka Saudi Arabia ayaa si rasmi ah ugu soo baxeen koobka aduunka 2018 Russia lagu qaban doono kadib markii kulankoodii ugu dambeeyay 1-0 ay guusha kaga qaateen Japan.

Saudi Arabia booska labaad ayay kusoo baxeen Guruub B ayagoo la imaadeen 19-dhibcood waxayna kaalinta labaad ka galeen xulka Australia oo ay farqiga goolasha booskan kaga galeen halka Japan marhore kowaad kusoo baxeen.

Xulka Australia kulan Play Off ama kala reebto ah waxay la cayaari doonaan xulka Syria cayara labo lug ah bisha dambe oo labadaan xul lagu kala saari doono madaama Guruubyada A iyo B ay sedexaad kaga dhameesteen.

Dhinaca Asia sidoo kale maanta waxaa koobka aduunka usoo baxeen xulka Koonfur Korea oo labaad ka galeen Guruub A oo marhore Iran kowaad ku dhameesteen.

Fadlan hoos kaga bogo 8-xul ee ilaa haatan koobka aduunka 2018 Russia lagu balansan yahay usoo baxeen:

Russia – Marti galiyayaasha tartankaan

Brazil

Belgium

Mexico

Iran

Japan

Saudi Arabia

South Korea

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS