Milkiile Roman Abramovich oo ku dhegan seddaxda shaqsi ee ugu sarreysa Chelsea, Conte ayaana ku jira – muxuuse ku haystaa?


Milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich ayaa wuxuu carro kala duldhacay tababare Antonio Conte, madaxa farsamada kooxda Chelsea Michael Emenalo iyo agaasimaha dhanka ciyaaraha Blues gabadha la dhaho Marina Granovskaia.

Roman Abramovich wuxuu seddaxdaan shaqsi ku heystaa inay masuul ka yihiin guuldarradii Chelsea kula dhacday suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaagii lasoo dhaafay.

Chelsea ayaa xagaagaan si xun ugu qasaartay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, iyadoo ku fashilantay inay gacanta kusoo dhigto xiddigaha Alex Oxlade-Chamberlain, Romelu Lukaku iyo Ross Barkley, xiddigahaas ayaa dhammaantood iska diiday kooxda ka dhisan Stamford Bridge.

Chelsea waxay maalintii ugu dambeysay suuqa lasoo wareegtay Davide Zappacosta iyo Danny Drinkwater – laakiin shabakadda Don Balon ayaa sheegeysa inuu milkiilaha Chelsea Abramovich ka carooday habka ay wax u maamuleen seddaxdaan shaqsi.

Emenalo iyo Granovskaia oo dhanka agaasinka kooxda u qaabilsan ayuuna Roman ku dhegan yahay. Sidoo kale Abramovich wuxuu ugu careysan yahay Conte habka uu u maareeyey mustaqbalka Diego Costa.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS