Cristiano Ronaldo oo cayaaryahan ay isku dal yihiin kula taliyay ku biiritaanka koox uu mudo caddow la ahaa!


Cristiano Ronaldo ayaa la sheegay inuu cayaaryahan ay isku dal yihiin xagaagan kula taliyay ku biiritaanka koox uu waligiis cadow ka dhigan jiray.

Bernard Silva ayaa si rasmi ah u sheegay go’aankii uu Man City xagaagan ku doortay inuu saameyn ku lahaa Cristiano Ronaldo sidoo kalena uu kula taliyay inuu doorto garoonka Etihad.

Man City ayaa kubad sameeyahan 23-jira ah 43-milyan oo pound naadiga Monaco kaga soo iibsatay waana laacib xili cayaareedkii hore sabab weyn u ahaa inay Monaco ku guuleesato horyaalka France mudo 17-sano kadib.

Silva oo la hadlaayay shabakada FourFour Two wuxuu yiri “Dabcan Cristiano Ronaldo ayaa ku qal qaaliyay inaan Man City ku biiro markii aan u sheegay inaan City wada hadalo la wado”

“Ronaldo wuxu ii sheegay in Manchester tahay magaalo wanaagsan sidoo kalena hormar cayaareed aan halkaas ku sameyn karo”

Waxaa xusid mudan in Cristiano Ronaldo mudo 6-sano ah Man United ka tirsanaa sidoo kalena uu waligiis necbanaan jiray Man City oo magaalada Manchester kala dhisan United.

Balse hada waa lala yaabay sababta uu Bernard Silva ugu booriyay ku biiritaanka kooxda Man City!

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS