WARBIXIN: Nolosha Ciyaartooyda Heysta Laba Dhalsho Oo Kala Duwan !! Maanta Waxaan Baran Doonaa Nolosha Gaarka Ah Ee Jorginho


Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Brazil Jorginho waxa uu ku dhashay kuna barbaaray dalka Talyaaniga.

Jorginho ayaa xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horeeyay ee uu usaftay kooxda Napoli waxa uu la sameeyay horumar deg deg ah.

Jorge Luiz Frello Filho ayaa ku dhashay Degaanka loo yaqaano Imbituba, Jorginho wuxuu ula guuray qoyskiisa isagoo da, yar waqooyiga Talyaaniga halkaasoo uu kusoo barbaaray.

Kadib wuxuu ku biiray kooxda dhalinyarada Verona, waana kooxdii ugu horeysay ee uu kasoo bilaabay safar ciyaareedkiisa maanta.

2010 wuxuu u ahaa sannadkii ugu weynaa kubada cagta, wuxuu amaah ugu soo ciyaaray kooxda AC Cambonifacese.

Jorginho ayaa kasoo dhalaalay xilli ciyaareedkiisii amaahda ahaa, isagoo dhaliyay 10 gool 31 kulan oo uu saftay.

Wuxuu dib ugu laabtay kooxda uu kusoo barbaaray ee Verona xilli ciyaareedka xigay, Jorginho ayaa ka caawiyay inay gaaraan horyaalka Serie B kooxda ka dhisan Talyaaniga.

Si kastaba ha ahaatee, xilli ciyaareedkii 2012/13 waxa ay aheyd markii ugu horeysay ee Jorginho usafto kooxda waaweyn ee Verona.

Ciyaaryahanka ayaa 41 kulan u saftay kooxdiisa, waxaana uu dhaliyay seddex gool oo tartanka Coppa Italia ah.

Jorginho ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay waayihiisii Verona xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horeeyay Serie A, waxa uu dhaliyay 7 gool 18 kulan oo uu saftay.

Markiisii hore waxa uu ahaa Daafac, laakiin waxaa loo bedelay xiddig qadka dhexe ka ciyaara.

Natiijada sawirka Jorginho Itay or Brazil

Maxaad U Baahan Tahay Inaad Ogaato?

Jorginho wuxuu u ciyaaraa si deganaansho la’aan ah waa mid kamid ah ciyartooy iyaga oo aan qaan-gaarin masraxyada soo fuulay.

Wuxuu waligis ku fakiri jiray inuu la heer noqdo Andrea Pirlo iyo Xabi Alonso, lakiin qaab ciyaareedka fudud ee uu ku ciyaaro ayaa ka hor istaagtay inuu gaaro heer lamid ah xiddigahaas.

Waxa uu  soo jiitay dareenka kooxaha Premier League ee Arsenal, Chelsea iyo Liverpool ka hor inta uusan heshiis la gaarin kooxda ka dhisan Partenopei.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa kaliya kasoo laabtay dhaawac xagaagan, laakiin wuxuu ku dhibtooday inuu dib u helo booskiisa joogtada ah ee Napoli.

Inkastoo uusan u ciyaarin Italy, Jorginho ayaa la hadal hayay halka uu mustaqbalkiisa u hibeyn doono xulalka Italy iyo Brazil oo labaduba dhalasho ahaan uu heysto.

Laakiin si uu u bedelo Pirlo wuxuu doortay u ciyaarista qaranka Italy, inkastoo waqti dambe uu ku fashilmay hamigiisii.

labada ciyaaryahan ee khadka dhexe Jorginho iyo Marco Verratti ayaa si cajiib ah xulka ugu wada biiray, balse dhaawacyo xiriir ah ayaa dib u dhac u keenay xifada Jorginho.

24 jirkaan ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican waqtigaan kooxda Napoli, waxaana uu mar kale ka caawin karaa xili ciyaareedkaaan in ay kaalin wanaagsan ka galaan Champions League.

Ka ciyaarista dhinaca hore ee difaaca waxay u baahan tahay nooca cayaaryahan oo awood jir ahaaneed leh, sidaas darted Jorginho oo ah nin dhuuban oo aan jir xoogan laheyn waxa uu doortay mardambe inuu ka ciyaaro khadka dhaxe.

Natiijada sawirka Jorginho Itay or Brazil

Ma Ogeyd?

Arrimaha sharciyada ayaa Jorginho dhowr jeer loogu diiday inuu ku matelo xulka Talyaaniga, isagoo xitaa ku seegay koobkii aduunka.

24-jirkan wuxuu haystey baasaboor Talyaaniga ah oo xiriir la leh qoyskiisa, laakiin tan ugu muhiimsan waa inuu waqti ku filan ku qaatay nolosha Italy,taasoo keentay mardambe in loo tixgeliyo muwaadin u dhashay waddanka.

Intaa waxaa dheer, ciyaaryahanka inuu dalbaday u ciyaarista Azzurri, isagoo iska diiday dalabyo kaga yimid xulka uu kasoo jeedo ee Brazil.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS