Miyuu Neymar U Baahnaa Inuu Ka Tago Barcelona Iyo Lional Messi? Halyeyga Brazil Pele Ayaa Ka Jawaabay


Pele oo loo arko inuu yahay ciyaaryahankii ugu fiicnaa waqtiga oo dhan kubadda cagta, ayaa ka hadlay ku biirista Neymar kooxda Paris Saint-Germain.

Pele ayaa aaminsan in Neymar uu sameeyay go’aan sax ah markii uu ka baxay hooska Lionel Messi ee Barcelona isagoo ku biiray kooxda Paris Saint-Germain.

Neymar ayaa Barcelona ugu biiray € 222million bishii August, markaasoo uu noqday ciyaaryahanka ugu qaalisan taariikhda kubada cagta.

25 jirkaan ayaa dhaliyay seddex gool isagoo cawiyay mid kale saddexdisii kulan ee ugu horeysay kooxda PSG.

Ninka reer Brazil Pele ayaa sheegay in Neymar waqtigaan loo baahan yahay inuu hormar badan ka sameeyo kooxda PSG, maadaama uu ka baxay hooskii Lional Messi.

“Xilligan laacibka ugu fiican Brazil waa Neymar, waxaana u maleynayaa inuu u dhaqaaqay koox wanaagsan ayuu u sheegay Pele jariirada Marca.

“Waxaan u maleynayaa inay tahay fursad fiican oo uu u baahan yahay inuu ka faa,iideysto ayuu hadalkiisa ku daray.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS