Maxadweyne ku xigeenka Monaco oo sharaxaad ka bixiyay sababtii Lemar Arsenal ugu biiri waayay


Kooxda Arsenal saacadihii ugu dambeeyay suuqa Yurub waxay dalab 92-milyan oo pound u gudbiyeen naadiga Monaco sidii ay Thomas Lemar kaga heli lahaayeen.

Arsenal wey ku guul dareesatay saxiixa Lemar waxayna rabtay inay xidigaan galiso booska uu baneen lahaa Alexis Sanchez oo isagana Man City ku biiri lahaa balse wax walbo wey bur bureen.

Madaxweyne ku xigeenka Monaco Vadim Vasilyev ayaa The Mirror uga warbixiyay sababtii Lemar Arsenal ugu biiriyay waayay.

Vadim Vasilyev wuxuu yiri “Thomas wuxu rabay inuu Arsenal ku biiro ama xitaa Liverpool, laakiin maamul ahaan wada hadal ayaan yeelanay waxaana isla garanay inuu nala sii joogo”

“Wuxuu inoo yahay cayaaryahan muhiim ah, mana wanaagsaneyn inaan iibino, hubanti ahaan wey  na saameyn laheyd bixitaankiisa waana ceshanay madaama aan ka maarmin xiligaan”

Hadalka kasoo yeeray Vadim Vasilyev wuxuu lidi ku yahay midkii macalin Arsene Wenger u sheegay Telefoot oo uu ku yiri “Haa 100-milyan oo euro dalab ah ayaan Monaco u gudbinay, laakiin Lemar isaga ayaa rabay inuu sii joogo halkaas, laakiin waan ku laaban doonaa bisha Janaayo inaan soo qaadano”

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS