Arsene Wenger Oo Sharaxay Sida Ay Aheyd Xaalada Alexis Sanchez Iyo Arsenal Habeenkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Xagaagan


Arsene Wenger ayaa sheegay in Alexis Sanchez uusan ku dhawaan ka tagista Arsenal 31kii August, oo aheyd habeenkii ugu dambeeyay suuqa.

Xiddiga Chile qandaraaska uu kula jiro kooxda Emirates Stadium waxa uu dhacayaa xagaaga soo aadan, waxaana aad loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo kooxda Manchester City.

Waxaa la fahamsanaa in Citizen ay diyaar u aheyd inay bixiso 55 milyan oo ginni si ay u hesho weeraryahankii hore ee Barcelona, ​​laakiin Arsenal ayaa diiday qorshahaas.

Arsenal ayaa ku adkeysatay in ay ceshato Sanchez markii ay ku fashilmeen saxiixa xiddiga AS Monaco Thomas Lemar.

Sanchez marnaba kuma dhawaan inuu ka tago kooxda Arsenal habeenkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartooyda ayuu yiri Wenger.

“Ma aheyn mid aad ugu dhawaa inuu ka tago kooxda, waa adag tahay inaan ka hadlo arintaas sababtoo ah waxaan dooneynay inuu nala sii joogo ayuu u sheegay Wenger beIN Sports.

Nagala Soo Xiriir

xoghoose@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

ADVERTISEMENTS